Al-Siisi oo FARMAAJO ka dalbaday inuu MASAR iyo Itoobiya dhex-dhexaadiyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Masar, Cabdifitaax Al-siisi ayaa dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ka dalbaday inuu dhex-dhexaadiyo isaga iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Al-siisi ayaa qoraal uu Axadii soo gaarsiiyey madaxweyne (Farmaajo) ugu baaqay inuu kala shaqeeyo xal u helista arrinta biyo-xireenka ee ay haatan isku hayaan labada dal.

Warqadda la soo gaarsiiyey madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa keenay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika, Abuubakar Xifni Maxamuud.

Kaaliyaha oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in xukuumadda Qaahira ay rajo weyn ka qabto inuu Farmaajo xalin karo xiisada u dhexeysa wadamada Itoobiya iyo Masar, isaga oo ka faa’ideysanayo saxiibtinnimadiisa labada dhinac.

“Soomaaliya waa dal muhiim ah, siyaado iyo miisaan leh, xiriir fiican la leh labada dhinac, waxaan hubaa in madaxweyne Farmaajo oo ka faa’ideysanaya xiriirkiisa saaxiibtinnimo ee ra’isul wasaare Abiy uu xal u helista biyo-xireenka qeyb ka noqon karo, Masar-na saacidi karo”. ayuu yiri Abuubakar Xifni Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday kaaliyuhu ahmiyadda uu webiga Nile-ka u leeyahay Masar, isagoo carabka ku dhuftay in la’aantiisa ay u sababi karto shaqo la’aan baahsan.

“Webiga Nile waxaa ku tiirsan biyo ahaan 97% dadka Masar, dalkeenna ma jirayo Nile la’aantiis, waa amni qaran, haddii dhibaato soo gaarto waxaa shaqo la’aan noqon doona 4 Milyan oo qof, inta kalena biyo la’aan iyo harraad”. ayuu sii raaciyey Abuubakar Xifni.

Masar iyo Itoobiya ayaa in muddo ah isku haya arrinta biyo-xireenka ee Webiga Nile, iyadoona ay fashilmeen wadahadallo lagu dhex-dhexaadin lahaa labada dowladood.