FIQI oo ka digay dhibaato ka dhalan karta qorshaha askarta ilaalada ah looga qaadayo madaxdii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka hadlay warqad ka soo baxday xafiiska taliyaha ciidanka Xoogga, taas oo lagu amray ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa milatariga ee haatan ilaalada u ah madaxdii hore ee dalka, inay dib ugu soo noqdaan xarumahooda.

Fiqi ayaa sheegay in warqaddaasi laga leeyahay dano gaar ah, islamarkaana taliyaha ku saxiixan lagu qasbay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ka digay isku dhac ka dhalan kara, haddii ilaalada laga qaado madaxweynahayaashii hore ee dalka, isaga oo sheegay inay taasi albaabada u fureyso in ciidamo gaar ah ay sameystaan, kuwaas oo aysan ‘jidgooyo u dhigan karin’ ciidanka dowladda federaalka oo uu tilmaamay in hadda loo adeegsado arrimo siyaasadeed.

Halkaan hoose ka aqriso qoraalka xildhibaan FIQI:

Waxaan aqriyay warqad ciidan oo baraha bulshada isla markii la soo saarayba lagu faafiyey taasoo u muuqata mid propagando iyo daandaansi looga gol leeyahay!

Taliyaha warqadda ku saxiixan waa nin la qasbayo, umana malaynayo in lagala tashaday ama uu wax talo ah ku lahaa ciidamada shaqada leexsan loogu diray Galmudug iyo Gedo, ama uu talo ku leeyahay ciidamada la hayb soocayo ee madaxtooyada laga bedelay ama ciidanka labada kun ka badan ee shaqada iyo ujeedooyinka leexsan uu Md. Farmaajo ka leeyahay ee uu ku magacaabay ilaaladadiisa!

Haddii warqaddan ujeedka laga leeyahay ay tahay in madaxweynayaashii hore ilaalada Boqolka ka yar laga qaado, ayadoo Md. Farmaajo rabo inuu isku ilaaliyo 2 kun, loona loogo kooxaha argagixisada ama unugyada qarsoon ee shirqoolada In ay weeraraan madaxdii hore taasi waa qorshe fashilan ee yaan la isku daalin, hana la ogaado In ay albaabada u furayso in ciidamo gaar ah oo ilaalo ah la samaysan doono, kuwaasna aysan jidgooyo u dhigan karin ciidamada beelaysan ee Eritrea soo tababartay!

Haddii taliyuhu uu awood leeyahay oo ciidanka XDS u taliyo oo shaqo qaran ciidamo qabta u baahan yahay ha soo celiyo kuwa Gedo shaqaaqada ka wada, ama Galmudug baagamuudada ku ah ama kuwa Farmaajo isku hubaynayo ee labada kun ka badan wixii intaas ka soo hara waa beegsi gaar ah oo aan loo dulqaadan doonin.