Sawirro: Axmed Madoobe oo dallacsiiyey taliye diiday ‘shirqool ay wadday’ DF

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dalacsiiyey taliyaha ciidamada daraawiishta maamulkaasi ee ka howlgala degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa maanta oo Isniin ah Gaashanle Mahad Maxamed Islaam u xiray darajada Gaashanle dhexe, kadib markii ay Jubbaland shaacisay inuu diiday qorshe ay ku sheegtay shirqool iyo afgmabi ay la damacsaneyd dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Mahad Maxamed Islaam waxa aan ku amaanayaa wadaniyadda iyo dal jaceylka uu muujiyay, isaga oo iska diiday shirqool iyo afgambi la doonayay in lagu minjo xaabiyo nabadgalyada degmad Afmadow, taas oo Dowladda Federaalka ay la damacsaneed” sidaas ayaa waxaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta gaarka ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale saraakiisha iyo ciidamada maamulkiisa kula dardaarmay inay daacad u noqdaan shaqada adag ee ay u hayaan shacabka.

Dhowaan ayey aheyd markii muuqaal laga soo duubay taliyaha degmada Afmadow Mahad Maxamed Islaam uu kaga hadlay sheeko uu tilmaamay inay dhex-martay isaga iyo xubno katirsan dowladda federaalka, gaar ahaan taliska hay’adda nabad-sugida Somalia.

Xiisada dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa u muuqata inay sii xoogeysaneyso marba marka ka dambeysa, taasoo ka soo bilaabatay doorashadii muranka badan dhalisay ee dib loogu doortay Axmed Madoobe, islamarkaana dhacday sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii.