Magacyada mas’uuliyiinta laga qaadayo ilaalada kadib amarkii kasoo baxay Odowaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa xalay soo saaray amar lagu joojinayo dhamaan shaqooyinka leexsan oo ay qabtaan ciidamada Xoogga dalka, oo macnaheedu yahay inaysan ilaalo u noqon karin shaqsiyaad kale.

Amarkaan ayaa si toos ah u saameyn doono dhamaan mas’uuliyiintii hore ee dalka oo ay ugu horeeyaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online ayaa heshay qaar kamid ah dadka uu go’aankaan saameyn doono oo dhamaantood xilal sare ka soo qabtay dalka waxaana masuuliyiintaasi kamid ah.

  1. Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo shalay un dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
  2. Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii ka horeeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ka maqan dalka kuna sugan Turkiga.
  3. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo xilka iska casilay sanadkii 2018, kadib khilaaf soo kala dhax-galay isaga iyo Xukuumadda.
  4. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo ku sugan Muqdisho saaxiib dhowna la ah madaxda talada heysa.
  5. Dhamaan taliyaashii hore ee ciidamada Xoogga iyo kuwa booliska ee ku sugan dalka, waxaana kamid ah Gen. Indha-qarshe, Abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka General Gacma-duule, General Qaafow, General Gorod, General Caanood, General Buud, General Gorod iyo masuuliyiin kale.
  6. Sidoo kale dadka amarkaan ciidankooda ku weyn doona waxaa kamid ah taliyaashii hore ee ciidamada Badda Admiral Ufurow iyo Admiral Faarax Qare.

Shaqsiyaadkaan iyo kuwa kale oo la isku dhaho VIP ama shaqsiyaadka muhiimka ayaa amarkaan ku weyn doona ciidankii ilaalada u ahaa waxaana durba soo wajahay cabsi xoog leh.

Dadk badan ayaa arintaan u arka cadaadis iyo halis lagu gelinayo amaanka dad muhiim u ah qarankaan oo soo shaqeeyay Xili adag, waxaana madaxda dowladda Soomaaliya loogu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyay amarkaan.