Odowaa oo amray in lasoo xareeyo askarta ilaalada gaarka u ah shakhsiyaadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa amar ku bixiyey in lasoo xareeyo ciidamada haya “shaqooyinka leexsan” ama ilaalada u ah shaqsiyaadka gaarka ah.

Warqad 14-kii bishan kasoo baxday Odowaa ayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee talisyada ciidanka xoogga dalka lagu faray in ay soo xareeyaan dhamaan ciidamada taliskan uga maqan ‘shaqooyinka leexsan’ maadaama sida lagu sheegay warqadda ay taliska ciidanka xoogga dalka hor taallo shaqa adag.

“Dhamaan taliyaasha XDS, taliyaasha qeybaha XDS, taliyaasha kulyadaha iyo dugsiyada tababarka XDS iyo taliyaasha colalka madaxa banaan XDS, waxaa la farayaa laga bilaabo 14-03-2020, in ay si degdeg ah u soo xareeyaan istaafyada ciidanka XDS ee shaqo leexsan ku maqan, maadaama taliska ciidanka xoogga dalka ay horyaalaan shaqooyin adag si ay u gutaan xilka iyo waajibaadka ka saran difaaca qaranka” ayaa lagu yiri warqadda.

“Sidaas darteed dhamaan meelaha ay warqadani ku socoto waxaa lagu adkeynayaa in ay xaqiijiyaan fulinta amarka kor ku xusan”.

Ugu dambeyntii warqadan kasoo baxday taliska guud ee ciidanka xoogga dalka ayaa lagu yiri, “Qeybtii aan sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo xareynin askarta uga maqan ‘shaqo leexsan’ waxaa laga qaadi doonaa tallaabo ku haboon oo sharciga waafaqsan”.

Amarkan ayaa imanaya dhowr maalmood un kadib markii ay Caasimada Online ay qortay inay dood culus ka taagneyd amar lagu bixiyay in ciidanka ilaalada ah laga qaado madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dooddan ayaa u dhaxeysay xubno ka tirsan xafiisyada madaxweynaha iyo iyo taliyaha ciidamada Xoogga General Odawaa Yuusuf Raage, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

General Odawaa ayaa ka biyo diidanaa in ilaalada laga qaado madaxweynayaashii hore ee dalka, isaga oo ciidankii hore ilaalada ugu ahaa madaxweynayaashii hore ku qoray Taliska Guud taas oo ka hor tagaysa in la badalo, waxaana Odawaa ku qabsaday Madaxweynaha.

Si kastaba, ma cadda waxa hadda iska beddelay diidmadii Odowaa, iyo sida amarka cusub ee uu soo saaray uu u saameynayo labada madaxweyne.

Dowladda Soomaaliya ayaa damacsan tiro yar oo ciidan cusub ah u qorto madaxdii hore sida hore min laba askari loogu reebay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo ilaa hadda muujinaya walaac iyo cabsi xoog leh.

Villa Somalia ayaa cadaadis dhanka amaanka ah saartay dhamaan mucaaradka waxayna ka reebtay ciidankii ilaalada u ahaa halka qaarkoodna aad looga yareeyay tirada ciidanka ilaaliya taas oo abuurtay xaalad cabsi ah oo aad u ballaaran.

Hoos ka aqriso qoraalka Odowaa