NISA oo xirtay nin maamula koox sameysa muuqaallada anshaxa xun ee YouTube

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo xirtay nin Muqdisho ku lahaa goob lagu duubo muuqaallo anshax xumo ah, oo dhowaanahan aad looga hadal hayey baraha bulshada.

Ninka ay NISA xirtay, oo ay soo qabteen taliska hay’adda ee Muqdisho, ayaa lagu magacaabaa Maxamed Mooge Maxamed (Walaal Goolaa).

Ninkan ayaa wuxuu ku caan-baxay inuu soo duubo isaga iyo gabdho sameynaya muuqaallo ka hadlaya ama muujinaya sida la isgu galmoodo, iyo kuwa ay ku jiraan gabdho ka hadlaya rabitaankooda galmo, oo wiilal ku dheg-dhegaya.

Muuqaalladaas ayaa kadib lasoo dhigaa Channel YouTube ah, si daawashada muuqaalladaas kadib lacag looga sameeyo, halka mararka qaarna ay dad kasoo qaada YouTube kusii baahiyaan facebook.

Sida aan xogta ku helnay, hay’adda NISA ayaa sidoo kale ku raad joogta koox isaga la shaqaynaysay oo isugu jira wiilal iyo gabdho, si loo soo afjaro shabakaddan anshax xumada ku faafinaysay baraha bulshada.

Tallaabada ay NISA ku xirtay ninkan ayaa mudan in la bogaadiyo, waana qeyb ka mid ah dadaallada ay hay’adda ku ilaalineyso, kuna bad-baadineyso shacabka.

Bilihii dhowaa waxaa aad u batay Soomaalida soo dhigeysa YouTube muuqaallo qaarkood aan habooneyn, si ay ugu helaan daawasho badan, kadib markii la ogaaday in daawashada YouTube laga sameeyo lacag badan.