Xog: DF oo go’aan ka gaartay sida laga yeelayo qaadka ka yimaada Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo saacadihii la soo dhaafay ay yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadd Soomaaliya ayna goob joog ahaayeen madaxda Qaranka ayaa lagu go’aamiyay in lagu dhawaaqo joojinta qaadka iyo guud ahaan duulimaadyada ka yimaada Kenya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in inta laga hubinayo in qaadka uu keeni karo xanuunka Coronavirus, maadama gacmaha lagu soo jaro baakadano ku jirin,  la joojinayo dhammaan keenista qaadka.

Waxaa sidoo kale la qorshaynayaa in la hakiyo agabyada kale ee ka yimaada Kenya iyo guud ahaan duulimaadka dalkaas iyo Soomaaliya.

Xildhibaan Cali Jowhar oo ah Guddomiayah Guddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in maalinta berri ah ay qaban doonaan shir ayna dowladda Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqayaan joojinta qaadka.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in kulan dhacay la isku afgartay joojinta arrintaan islamarkaana go’aanka lagu dhawaaqi doono wixii ka dambeeya maalinta berri ah.

Shaqsiyaad badan ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in la joojiyo qaadka oo halis ku ah Somalia, sidoo kalane sababi kara cduurka adduunka saameeyay ee Coronavirus maadaama aan la hubin inuu gudbin karo iyo in kale.

Kenya ayaa shalay shaacisay in laba qof oo hor leh dalkaas laga helay Coronavirus, laba maalin kadib markii ay shaacisay kiiskii ugu horreeyey.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan mamnuucday dadka ka imanaya afar dal oo ka mid ah kuwa uu sida ba’an ugu faafayo cudurka Coronavirus inay soo galaan dalka.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya, oo ku taariikheysan 10-ka March ayaa lagu mamnuucay inay dalka Soomaaliya soo galaan dadka ka imanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran.