Guddoomiye Cabdirashiid: Waa xaaraan wada-hadallo DF iyo Somaliland ah oo ay ka maqan tahay Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil oo maanta hadal ka jeediyey furitaankii shirka wadatashiga Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay wadahadallada loo gogol xaarayo in ay isku soo hor fariistaan dowladda federaalka iyo xukuumadda Somaliland.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin wadahadallo dhex mara dowaladda dhexe iyo Somaliland, oo aysan qeyb ka aheyn Puntland, kuwaas oo hadii ay qabsoomaan uu ku tilmaamay kuwo xaaram ah.

“Waxaa jira wadahadallo dowladda federaalka ay ku baaqday oo ay leedahay waxaan la galeynaa Somaliland, wadahadalladaas iyo ergooyinka ay dowladda federaalka sameysay, waxaan u arkaa in aysan sax aheyn xaaraamna yihiin, waxaan u sababeynayaa Soomaaliya halka lagu wado, waa mid la doonayo in wadahadalladaas ay dhex maraan koonfur iyo waqooyi oo hadii lagu heshiiyo laba gobol wax loo qeybsado, marka  Puntland xagey ku dambeyneysaa? In aan ka baxno qariiradda ma yeeli doonee” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in uu ka mid yahay xubnaha ugu sareeya ee Puntland ku metela gobollada Sool iyo Sanaag oo Puntland iyo Somaliland ay isku heystaan maamulkooda, waxuuna ku goodiyey in aysan Puntland aqbali doonin wadahadallo dhexmara dowladda federaalka iyo Somaliland oo aysan iyadu majaraha u heyn.

“Anigu waxaan ka mid ahay mas’uuliyiinta Puntland ku metela gobollada waqooyiga Puntland ee Sool, Sanaag iyo Ceyn, mayeeli doono wadahadallo aysan Puntland hoggaamineyn oo inta dad meel la iskaga soo uruursado lagu ydhaho waxaad meteshaan gobolladaas anagu mayeeli doono” ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa dad reer Puntland ugu baaqay in ay iimaansadaan dowladooda inta dalku iska raacayo oo laga ansixinayo dastuur lagu heshiiyey.

“Shacabka reer Puntland waxaan ku baraarujinayaa walaalayaal 21-sano iyo sideed bilood ayaan maanta jirnaa, dal iyo dowlad ayaan leenahay, hoggaan dhisan ayaan leenahay, dowlad madax banaan oo shaqeysa oo dastuurkeeda qodobka 4aad uu u ogolyahay inta Soomaali iskaga imaaneyso oo dastuur federaal ah lagu heshiinayo ayeynu nahaye, taas iimaansada oo ku shaqeeya, xuduudaheena iyo dalkeenana cidna wax ka weydii meyno”ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland.