Axmed Karaash oo meesha ka saaray arrin laga faafiyey isaga iyo madaxweyne Deni

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan Karaash oo shalay hadal ka jeediyey shirka wadatashiga Puntland ee ka furmay magaalada Garowe ayaa meesha ka saaray tuhun laga qabay wada-shaqeynta isaga iyo madaxweyne Saciid Deni.

Warar maalmahan la weriyey ayaa sheegayey inuu jiro khilaaf ka dhex oogan labada dhinac, hase yeeshee Karaash ayaa muujiyey in taasi aysan jirin.

Karaash ayaa sheegay in isaga iyo Deni ay isku ra’yi yihiin, islamarkaana dhamaan eedeymihii uu Madaxweyne Deni u jeediyey madaxda dowladda federaalka uu ku raacsanyahay.

“Hadalkii xukuumad ahaan aan dhihi laheyn madaxweynaha ayaa noo yiri, waxaana rabaa in aan ku raacsanahay wax walba oo uu halkan ka sheegay, sababtoo ah waxaa jiray dardaaran ay isimada Puntland nasiiyeen, kaas oo ahaa in marnaba aysan kala jaheysan xukuumaddu ooh al aragti laga wada yeesho wax kasta, marka waxaan cadeynayaa in uusan nagu jirin wax saluug ah oo intii aan dhihi laheyn uu madaxweynuhu noo yiri,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in bulshada uu u cadeynayo in shirkani uusan aheyn mid looga soo hor jeedo dowladda federaalka, balse uu yahay mid looga tashanayo oo keliya aayaha Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Karaash ayaa sheegay in Puntland ay wax badani ka dhimanyihiin, isagoo carabka ku adkeeyey inay ku dadaalayaan sidii ay gacantooda ugu soo celin lahaayeen gobollada Sool iyo Sanaag oo uu sheegay in Somaliland ay ka aas-aastay jabhado.

“Waxaan qirayaa in horumar weyn la gaarey, waxaan kaloo qirayaa in wax badani dhiman yihiin sida maalintii shirkii leys kugu yimid 98-dii iyo maanta waxbaa ka dhiman weli Puntland, gobollaa ka maqan. Waxaan ku dedaaleynaa in aan hanano wixii ka maqan gacanteena, Puntland oo dhameystirana aan isugu imaano shirka kan xiga,” ayuu yiri mar kale.