Xog: Axmed Madoobe oo la sheegay in uu Kismaayo uga guuray 3 sabab dartood

Dhoobley (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland, oo shalay gaaray degmada Afmadow, ayaa toddobaadyadii dhowaa ku sugnaa magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose, isaga oo Kismaayo si naadir ah ama lagama fursaan ah u tagay, sida furitaankii kalfadhigga baarlamanka Jubaland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu si ku meel gaar ah ugu shaqeyn doono magaalada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose islamarkaana uu ka rartay Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa diyaarado loogu qaaday dhamaan ciidankiisa gaarka ahaa ee Kismaayo ku sugnaa iyo kuwii ilaalada Madaxtootada. Sidoo kale hub iyo gaadiid ayaa loo geeyay Dhoobley oo hadda ah difaacisa ugu weyn.

Inkasta oo madaxda Jubaland ay sheegeen in Axmed Madoobe uu Dhoobley u joogo tababarka ciidamo cusub oo Jubaland halkaas ay diyaarineyso, haddana warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay jiraan arrimo kale oo ay ka mid yihiin:-

1 – Kismaayo waxaa ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah waxaana la sheegay in marar badan ay isku dayeen in la qabto Axmed Madoobe balse xog la helay ay ka hor istaagtay qabashada iyo ilaaladiisa oo adag. Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale horey isugu dayey inay qabsadaan garoonka Kismaayo, taasioo ay ka hor-istaageen ciidamada Kenya.

2 – Kismaayo waa magaalo ay dagan yihiin beelo kala duwan oo hubeysan islamarkaana aan ku qanacsaneen maamulka Axmed Madoobe, waxaana adkaan karta in dagaal ay ka riixeyso dowladda dhexe uu uu ka qarxiyo magaalada markaasna ay adkaato ka bixitaanka Kismaayo

3 – Duleedka Kismaayo waxaa kù sugan ciidamo ka amar qaata dowladda Soomaaliya waxaana sidoo kale Kismaayo ka soo daga diyaarado ciidamo wada kuwaas oo ku yimaada magaca Mareykanka oo saldhig ku leh Kismaayo waxa uuna dareemay in diyaaradahaas ciidamo looga keeni karo magaalada Muqdisho.

Magaalada Dhoobley oo ku taala xuduuda Soomaaliya iyo Kenya waa magaalo ay ku badan yihiin beesha Axmed Madoobe waxaana sidoo kale la jooga ciidamo Kenyan ah, waana halka uu door biday inuu ku noolaado Axmed Madoobe.

Saraakisha milateriga Kenya ayaa Axmed Madoobe kula taliyay inuu u guuro Dhoobley islamarkaana uu mar mar soo booqdo Kismaayo oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee Jubaland.