Al-Siisi oo hanjabaadii ugu cusleyd u diray Ethiopia, “yaan la tijaabin awoodda Masar”

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi oo maanta kulan mira-dhal ah kula qaatay Madaxtooyada dalkaasi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin culus u diray Itoobiya.

Kuanka gaarka ah ee labada madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan gobolka, iyada Al-Siisi uu hanjabaadii ugu cusleyd u diray Ethiopia oo ay xilligaan is-hayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar ayaa tilmaamay saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad’gudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo qaan-wadaag ah, kuna mideysan dalladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi.

“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda.”

Waxa uu intaas kusii daray “Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay dowladda Masar mowqifka walaalnimada ah ee ay ka istaageen damaca xukuumadda Addis-ababa ee la xiriira badda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay ahmiyadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Badda Cas.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay saami weyn ku leedahay Baddan, taas oo aysan u aqbalayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in dal kale ay kusoo xadgudbaan taako ka mid ah.

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wada-hadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed.”