Alessandro Del Piero oo kulankiisii sideed boqolaad gool ugu dabaal degay.

Alessandro Del Piero ayaa gool ugu dabaal degay kulankiisii 800aad (Sideed Boqolaad) ee ciyaar caalami ah ka dib markii ay kooxdiisa Sydney FC guul ka gaartay kooxda Perth Glory.

Halyeeygii hore ee kooxda Juventus ayaa 705 kulan u saftay Juve, 91 kulan ayuuna u ciyaaray xulkiisa Italy, halka uu afar kulan xirtay maaliyada Sydney.

Pinturicchio ma uusan heleyn wax uga fiican oo taariikhi ah, ka dib markii uu kooxdiisa u hugaamiyey inay kasoo kabsadaan gool looga hormaray markaasoo ay 2-1 kaga talaabsadeen Perth Glory.

Sydney ayaa ciyaarta gool looga hugaaminaayey qeybtii hore iyagoo marti ah, laakiin Del Piero ayaa gool ku laad ugu barbareeyey.

Emerton ayaana hurdo u diray kooxda martida loo ahaa.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.