“Allahayow ay rasaasta ka dhammaataa” Dadkii ka bad-baaday weerarka masjidka oo ka sheekeeyey

Wellington (Caasimada Online) – Dadkii ka bad-baaday weerarkii arxan darrada ahaa ee lagu qadaay laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand ayaa sharraxaad ka bixiyey sidii ay u dhacday dhacdadan foosha-xun.

Sugid iyo duco

Mid ka mid ah dadka ka bad-baaday weerarka oo dharkiisa dhiig uu ka buuxo ayaa sheegay inuu arkay ninka weerarka soo qaaday oo dadka xabadka ka tooganaya.

Waxa uu sheegay in toogashada ay socotay qiyaastii 20 daqiiqo.

Waxaa la rumeysan yahay in 49 qof ay ku dhinteen, ayada oo dhaawaca 20 qof uu ka badan yahay.

“Waxaan ku fakarayey in rasaasta ay ka dhammaato” ayuu yiri.

“Waxaan sameeyey waxay ahayd inaan sugo oo duceysto, Allahayow ninkan ay rasaasta ka dhammaataa”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxa uu yimid halkan, dhinaca ragga oo dadkii ayuu toogtay, kadibna wuxuu u gudbay qeybta dumarka, waxaan maqlayey oohinta dumarka.

“Walaalkey halkaas ayuu joogay, laakin weli ma aqaan inuu bad-qabo iyo in kale”

Qfona kama uusan tagin

Nin kale oo ka mid ah dadka ka bad-baaday weerarka ayaa sheegay in dadka ay daaqadaha jebiyeen si ay uga baxaan.

“Wuxuu billaabay inuu toogto. Qof kasta oo uu u maleeyey inuu weli nool yahay waa uu sii tooganayey” ayuu yiir.

“Ma uusan dooneyn in qofna uu nolol ku baxsado”

Boqolaal xabbad ayaa daatay

Farid Axmed oo isna ah nin naafo ah, balse ka bad-baaday weerarka ayaa sheegay in xaaskiiska ay ku jirtay qeybta dumarka, welina uusan ogeyn inay bad-baaday iyo in kale.

“Waxaan ka arkay markii uu soo socday barxadda masjidka, ee uu qolkeena kusoo wajahnaa, wuxuu arkay qof kale oo isna masjidka usoo socday, dhabarka ayuu ka toogtay, wuuna dilay”

“Waxaa dhulka daadsanaa rasaasta – boqolaal rasaas ah, xaqiiqdii”

Goob xasuusq

Carl Pomera oo isna dhacdan goobjoog u noqday ayaa marayey waddada masjidka hortiisa ah, markii weerarka uu billowday, ayada oo uu la socday qof kale.

“Waxaan arkay dad noloshooda la baxsanaya”

“Waxaa kadib xigay rasaas daran-doori ah. Dadkii ayuu dhulka ku simay, waxaan arkay ayada oo uu dhabarka ka tooganayo, waxayna daadanayeen dhulka” ayuu yiri Carl.

Carl iyo saaxiibkiis ayaa dibedda masjidka ka sameeyey meel dadka lagu caawiyo.

“Waxaan ahayn lix qof oo si lama filaan ah meesha u yimid, waxaana caawineynay dadka

“Dadku waxay u oynayeen in la caawiyo. Waxaan qaadnay aabe iyo gabadhiisa oo dhaawac ah, balse ma naqaan inay bad-qabaan iyo in kale”

“Nin uu saaxiibkey caawinayey wuxuu ku naf baxay gacmihiisa kadib 30 daqiiqo”

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com