Xog: Madaxweyne Geelle oo kusoo wajahan Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in berri oo sabti ah ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, sida uu Caasimada Online u xaqiijiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Caasimada Online u sheegay Sabtida la filayo in Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo gaaro magaalada Muqdisho laba sano kadib.

Socdaalka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sababay in dib loo dhigo furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana loo sameyn doonaa soo dhowayn oo ay ka qayb galayaan madaxda Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabtuuti ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxda dowladda Soomaaliya waxa uuna kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya, howlgalka AMISOM iyo isbadalada ka socda geeska Africa, sida ay Caasimada Online u sheegayn ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Waxa uu sidoo kale xariga ka jari doonaa safaaradda cusub ee Jabuuti ku leedahay Muqdisho oo laba sano uu socday dhismaheeda.,

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in uu booqdo Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Hiiraan ee  Bartamaha Soomaaliya hadii aysan wax iska badalin qorshaha socdaalkiisa.

Madaxweyne Geelle Soomaaliya waxaa ugu dambeysay bishii February sanadkii 2017, markaas uu ka qayb galay Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Socdaalkaan ayaa noqonaya 2 sano kadib safarkiisii ugu horreeyey ee Soomaaliya.

Socdaalka Madaxweyne Geelle ayaa ku soo aadaya iyadoo ay jirto warar sheegaya in mugdi soo kala dhax-galay Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti kaas oo ka dhashay heshiiska dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea maadaama ay Eritrea ay Jabuuti ka heysato dhul iyo Ciidan looga qabsaday dagaal ka dhacay Xuduuda labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com