Madaxda DF oo ka qeyb galaya heshiis maanta ka dhacaya Villa Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta lagu wadaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya Maamullada Ahlu Sunna iyo Galmudug,kuwaas oo dhawaan heshiis horudhac ah ku yeeshay Dalka Jabuuti.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna ayaa u xaqiijiyay Caasimadda Online in shirkan galabta lagu wado in uu furmo ay ka qeybgelayaa madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug,Kuxigeenkiisa,Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Xubno isugu jira Wasiirro iyon Xildhibaanno Galmudug ah ayaa la sheegay in ay ka qeyb galayaan Xafladda lagu dhameystirayo Heshiiskii hor-dhaca ahaa ee Dalka Jabuuti ay ku gaareen Ahlusunna iyo Galmudug.

Dhanka Ahlusunna ayaa la sheegay in Munaasabaddaas ay uga qeyb geli doonaan Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna iyo Hogaamiyaha Guud ee Maamulkaasi Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xafladda ka dhici doonta Galabta Madaxtooyada Soomaaliya ay Goobjoog ka noqon doonaan Madaxweynaha Soomaaliya,Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa KNN u sheegay in Xafladda lagu qabanayo Madaxtooyada Soomaaliya ay tahay mid lagu dhameystirayo Heshiiskii hor-dhaca ahaa ee Galmudug iyo Ahlusunna ay ku soo kala Saxiixdeen Wadanka Jabuuti.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadal kooban ka jeediyay Heshiiskii ka dhacay Dalka Jabuuti ayaa sheegay in Heshiiska inta dhiman ay ku dhameystiran doonaan Caasimadda Maamulka Galmudug oo ah Dhuusamareeb,balse hadda ay Maamusho Ahlusunna.

Shirka galabta ka furmaya Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgelaya ka qeybgalayashii shirkii April ee bishii April Muqdisho ku fashilmay.

Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa dhawaan heshiis ku saxiixday Jabuuti,waxaana ay inta ka dhiman wadahadalkooda sheegeen in ay ku dhameysanayaan shir ka dhacaya Magaalada Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com