Thaabit: Halkaan arrin haddii la sameeyo amniga Muqdisho waa hagaagayaa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa mar kale ku baaqay in Gobolka Banaadir uu yeesho ciidamo u gaara oo amniga suga.

Isagoo ka hadlayey shirkii amniga ee magaalada Muqdisho ka dhacay ayuu guddoomiye si cad u sheegay in magaalada Muqdisho ay ka howl galaan ciidamo fara badan oo kala duwan taasoo keentay in sugidda ammaanka ay dhibaato noqoto, loona baahdo hal ciidan hoos taga maamulka Gobolka banaadir oo hal talis ah.

“Gobolka Banaadir waxay leedahay tirada ugu badan ciidamo amni oo kala duwan, marka loo eego khataraha amni ee jira. Waan taas sababta aan uugu baahanahay inuu Gobolka Banaadir helo cidiamo uu isagu leeyahay oo isku xiran hal talisna leh si ay amniga xilkiisa u qaataan….” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo doonaya in maamulkiisa la wareego amniga caasimadda halkii lagu haleyn lahaa taliyada kala duwan ee dowladda Federaalka hoos taga.

Guddoomiye Taabit ayaa horey si toos ah uga dalbaday madaxda sare ee dowladda inay ammaanka G/Banaadir ku wareejiyaan Gobolka. Waxaa kaloo Maamulka G/Banaadir loo ansixiyey qoodse miisaaniyadeed oo dhan 10%, taasoo aan weli fulin.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com