Warbxintii mucaaradka igula daarteen “Wadooyinka waxay u xiran yihiin Farmaajaa xilka laga qaadayaa”

Warbixnta aan ka Diyaariyey Jid Xirashada qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho ee aan Cinwaanka ugua Dhigey “WADOOYINKA WAXAY U XIRAN YIHIIN FARMAAJAA XILKA LAGA QAADAYAA” Somaalida waxay Tiraahda Hashi Maqaarka Diideysa meelo Daldaloola ayey ka eegtaa” Mucaarad aniga ma oronayo ee waxaan leeyahay Canaasiir waxay fiiriyeen Qaybaha hore ee Qoraalka hase yeeshee hadii ay Macaanka qoraalka ee Gunta ay Akhrin lahaayeen waxaa ku jirey “Dowlada yaan la inkaarin ee ha loo Duceeyo” waxaa kaloo ku jirey”waxaa ii Muuqda Ifafaale Nabadeed” sida hadda lagu socda Sidaa darteed Warbixinta waxaa igula Daartey Canaasirta Dowlada, sidaa darteed oo Xaqiiqo ah Warbixintaas aan ku ogaadey Canaasiirta iyo Muxaafadka Dowlada Madaxweyne Farmaajo halka ay kala joogaan

Markaan Akhriyey Faalooyinkii laga bixiyey, markaa aruuriyey Taleefoonadii ii soo dhacay , markaan akhriyey Faalaoyinka kooxaha Canaasiirta waxaa ii soo baxay in Canaasiirta ka soo horjeeda Dowlada uu yahay Boqolkiiba 1% halka Muxaafadka Dowlada Farmaajo uu yahay Boqolkiiba 99% waxyaabaha aan la yaabey waxaa ka mid ah markii Ruux Dibada iga soo wacay oo ay Madax martey Dowladnimida iyo Muxubada uu u hayo Farmaajo iyo Khayre ayaa igu yiri “Maxaad Warkaas u qortey ” markaas baan ku iri “ marka hore kulli ma akhridey warbixinta ” markaasuu yiri “Maya” waxaan iri” soo akhri kadib igu soo laabo “ markii uu Cabaar iga maqnaa ayuu I soo wacay ka dib maxaa dhacay” Raaligelin buu I siiyey wuxuuna ii raaciyey Kun jeer raali noqo

Guntii iyo Gabagabadii sidoo kale yar ku sugan Koonfur Afrika oo isna markii warbixinta uu akhriyey I soo wacay ayaa yiri” Amiinow waan ku aqaan waxaa tahay wariye Bulshada u adeega marka walaal waxaan kuu sheegayaa in aan aad u dhifsadey Warixnta aad ka qortey Xirnaansha wadooyinka wuxuu ii sii raaciyey “Saaxiib ma doonayo in Dowlada wax laga sheego waayo waxaan Dibada ku ogaadey dhibaatada ay leedahay dowlada la’aanta marka walaal waxaan ku leeyahay oo kuu soo jeedinayaa in aad Taageeroi Halku dhiga Dowlada ee ah Nabad iyo Nolol” waxaa iri “OK” sidoo kale Canaasiirta waxaa leeyahay Wax Taageero ah oo aan idin kaga hayo Shacabka ma jiraan ee DADKIINNA DHINAC KA RAACA

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 0025261553249