R/W Britain oo si dirqi ah uga badbaaday qorsho la doonaayay in lagu khaarijiyo

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa qoray in isku day dil ay ka badbaaday Haweeneyda Ra’isul wasaaraha ka ah dalka Britain Mr Theresa May.

Warbaahintu waxa ay sheegtay in isku daygaasi ay fashiliyeen xubno ka tirsan Sirdoonka dalka Britain oo iska ku hayay dhaqdhaqaaqa shaqsiyaadka maleegaayay dilka Theresa May.

Sida ay qoreen warbaahinta  The Independent iyo Sky News , dilka Theresa May, ayaa la doonaayay in loo adeegsado boorso laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la qorsheeyay in la dhigo xafiiskeeda Downing Street 10, waxaana qorshahaani fashiliyay Sirdoonka Britain.

Qorshaha ayaa la sheegay inuu ahaa in Haweeneydaas Ra’isul wasaaraha ka ah Britain lagu Qarxiyo boorsada, hase yeeshee waxaa arrintaasi kala dhantaalay Sirdoonka.

Qaraxa kadib ayaa sidoo kale la sheegay in qorshaha uu ahaa in Mr Theresa May lagu dilo Mindi iyadoo looga dhex faa’iideysanaayo buuqa iyo sawaxanka hareereyn lahaa goobta.

Mindida ayaa aheyd mid la qorsheeyay in la adeegsado keliya haddii Theresa May ay ka badbaado Qaraxa, wallow aysan kooxdaasi ku guuleysan falka lagu khaarijin lahaa Ra’isul wasaaraha.

Sidoo kale, Andrew Parker oo ah Madaxa sirdoonka MI5 ayaa dhankiisa ka sheegay in sanadkan keliya ay ka hor tageen ilaa 9 weerar oo lala damacsanaa xarumaha dowlada.

Andrew Parker, waxa uu sidoo kale cadeeyay in shaqsiyaadka ugu danbeeyay ee weerarka loo qabtay ay ahaayen labo nin oo da’dooda ay u dhexeyso 20 iyo 21 jir.

Geesta kale, Andrew Parker, ayaa sheegay inay suuragal tahay inay dhawaan isku day kale oo lagu doonaayo in lagu khaarijiyo Ra’isul wasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com