Sacad Xariiri oo qaatay go’aan cusub oo dhabar jabb ku ah dowlado dhowr ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Lubnaan ayaa baahisay in Ra’isul wasaaraha dalkaasi Sacad Xariiri uu si rasmi ah uga laabtay go’aankii is casilaadiisii ahaa.

Sacad Xariiri, ayaa markii hore is casilaadaasi ku dhawaaqay xili uu ku sugnaa dalka Sacuudi Carabiya muddo laga joogo bil.

Warbaahinta oo xiganeysa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Lubnaan ayaa sheegtay in Sacad Xariiri uu mar kale hortagay Golaha isla markaana uu iclaamiyay inuu ka laabtay is casilaadiisa.

Xubintan ayaa laga soo xigtay in Golaha qudhooda ay aad uga mahad celiyeen go’aanka uu Sacad Xariiri uga laabtay is casilaada kediska ahaa.

Sacad Xariiri, waxa uu Golaha ka dalbaday in laga fogaado wax waliba oo keenikara khilaaf, carqalad iyo siyaasad aan maslaxad ugu jirin Lubnaan.

Sidoo kale, Sacad Xariiri waxa uu cod dheer ku sheegay in go’aankiisa is casilaada ay qeyb ka aheyd dowlada Sacuudiga waxa uuna soo jeediyay in Lubnaan laga fogeeyo siyaasada la xiriirta arrimaha Carabta oo aan loo arag maslaxad.

Waxa uu Sacad Xariiri, sheegay in go’aankiisa uu yahay mid dhabar jabin doona wadamo carbeed oo dhowr ah, kuwaa oo uu sheegay inaysan ka raali noqon doonin go’aankiisa cusub.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Ra’isul wasaare Sacad Xariri bil ka hor si lama filaan ah isaga casilay xilka Rai’sul wasaaraha mar uu ku sugnaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga isagoo xiligaas Ururka Xisbullaah ku eedeeyay in uu halis gelinayo naftiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com