Xog: Farmaajo oo safar deg deg ah ugu baxaya Masar iyo qorshe culus oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar deg deg ah toddobaadkan ugu baxaya dalka Masar, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Onlie.

Framaajo ayaa ka qeyb galaya shir ku saabsan maalgashiga iyo ganacsiga, oo uu magaalada xeebta ah ee Shara El Sheikh ku marti-gelinayo madaxweye Cabdifatax Al Sissi ee dalka Masar.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya lagua casuumay madaxda dalalka Ivory Coast, Rwanda, Guinea iyo Comoros. Waxaa sidoo kale imanaya wafuud heer hoose oo ka socda dalal kale oo Afrikan ah.

“Dhiiri-gelinta Maalgashiga Africa iyo kobcinta wadajirka ah ee Dhaqaalaha” ayaa ah hal ku dhigga shirka, sida laga soo xigtay xubno ku dhow shirka.

Ka sokow shirkan ayaa Farmaajo wuxuu kulan gaar ah la qaadan doonaa madaxweynaha Masar Al-Sissi, oo ay ka wada hadli doonaan xiisadda dalalka Carabta, oo Masar ay ka mid tahay isbaheysiga Sacuudiga.

Sissi ayaa horey isugu soo dhoweeyey dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, wuxuuna hadda ka shaqeynayaa inay isku soo dhawaadaan Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com