Masar oo dhisaysa isbaheysi ka dhan ah Ethiopia xiili ay xiisadda kasii dareyso

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa ku sii siqeysa inay abuurto isbaheysi Afrikan ah oo dhinacooda soo mara, xilli ay aad uga soo horjeedo biyo-xireenka webiga Nile ee ay Ethiopia dhiseyso.

Wargeyska Al-Shorouk ee dalka Masar ayaa sheegay in isbaheysigan ay shaqdiisa noqon doonto inuu la socdo dhibaatada Masar uga iman karta biyo-xireenka Ethiopia.

“Shaqada dhismaha biyo xireenka ma joogsan doonto hal daqiiqo xitaa, tani waa mowqifka dalkeena, waana xuquuq aas aasi ah oo Ethiopia ay u leedahay inay isticmaasho biyaheeda, si ay uga soo saarto tamar koronto” ayuu yiri wasiirka dhulka Ethiopia.

Khuburada biyaha ee Masar ayaa sheegay in biyo-xireenka Ethiopia ee Nile uu qasbi doono in Masar ay lumiso 55.5 bilyan oo kubik meter biyo ah. Hase yeeshee Ethiopia ayaa ku adkeysaneysa in biyo xireenka laga dhalinayo korontada uusan dhibaato ku ahayn Masar.

Dhinaca kale madaxweynaha golaha biyaha carabta, Mahmoud Abi Zeid ayaa sheegay in Ethiopia ay dhiseyso mashruuca biyo xireenka ayada oo aan la tashan dalalka deriska la ah sida Sudan iyo Masar, taasi oo aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah.

Mashruucan ayaa dhismihiisa waxaa la billaabay 2011, waxaana laga dhisayaa meel 15 KM u jirta xuduudda Sudan, waxaana uu ku kacayaa 4.2 bilyan oo dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com