Caqabad cusub: Ahlu-Suna oo ku kala jabtay heshiiskii lala galay Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan magaalada Jabuuti heshiis wada jira ku gaaray maamulka Galmudug iyo Ahlusunna, waxaana soo baxaaya in heshiiskaasi ay qaadaceen garabkii hore Ahlusuna oo heshiis horey ula galay Maamulka Galmudug.

Garabkii hore Ahlusuna ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn wixii kasoo baxay heshiiska labada dhinac ku dhexmaray magaalada Jabuuti.

Ex Guddoomiyaha Golaha talada Maamulkii Ahlusunna Sheekh Cumar Sheekh Cabdulqaadir oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid baadil ah.

Sheekh Cumar, waxa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay aad uga soo horjeedan heshiiskii ay gaareen Hogaamiyaha  Maamulka Galmudug Xaaf iyo Hogaamiyaha Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir.

‘’Waxba masoo kordhineyso in goob la wada fadhiisto oo la kala saxiixdo heshiis ee waxaa muhiim ah in heshiiskaasi uu shaqeeyo, sidaa darteeda anagu waan qaadacnay shirka’’

Sheekh Cumar, ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid aan xaq aheyn isla markaana lala baalmaray wixii sharci ah oo ka dhexeeyay maamulka Ahlusunna.

Sidoo kale, Sheekh Cumar waxa uu maamulka Galmudug xasuusiyay inay gacanta ku hayaan amaba ka taliyaan qeybo kamid ah Gobalka Galgaduud, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankan kasoo baxay garabkii hore Ahlusuna, ayaa caqabad cusub u abuuraya heshiiska ay kala saxiixdeen Galmudug iyo Ahlusuna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com