Hailemariam oo hal arrin usoo jeediyay madaxda Africa iyo awood uu rabo in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa daboolka ka qaaday in Madaxda Qaarada Madow ee Africa laga doonaayo inay ka mirro dhaliyaan axdigii ahaa in Africa la gaarsiin doono awood ku filan.

Hailemariam, oo ka hadlaayay shirka dhaqaalaha Afrika ee 2017 oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegay in ballanqaadka shirkii hore uu ahaa in si mideysan Afrika loo gaarsiin doono awood isku filan oo dhan dhaqaale ah.

Waxa uu Hailemariam tilmaamay in Africa ay awood walba u leedahay inay go’aamiso mustaqbalkeeda waa haddii ay qaab beddelaad ah ku sameyso dhaqaalaheeda si ay uga faa’idaystaan muwaadiniinteeda.

Waxa uu tilmaamay in ahmiyada ugu weyn ee xiligaan ay tahay in la hirgaliyo qaab beddelaad ah oo lagu sameeyo wax soo saarka ilaha dhaqaale oo uu sheegay inuu leeyahay dal walba oo ku yaalla Africa, sida uu haddalka u dhigay.

‘’Inaan ka dhabeyno ballanqaadkii hore waxaa ka harsan isbedel aan ku sameyno qaabka aan u sameyno dhaqaalaha si ay fursad baaxad leh u helaan muwaadiniinteena dhaqaale raadiska ah’’

Sidoo kale, waxa uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia Madaxda Africa ugu baaqay inay hirgaliyaan Hal arrin oo uu ku sheegay isbedel dhaqaale iyo mid wax soo saar ah.

Waxaa la rajeynayaa muddada uu socdo shirka in la isku weydaarsado fikradaha ku saabsan horumarka laga sameeyey dhanka isbedelka dhaqaalaha ee dowladaha Afrikaanka ah.

Docda kale, shirka dhaqaalaha Afrika ee 2017 ee hadda socda ayaa soconaya muddo saddex maalin oo laga soo bilaabo maalintii Isniinti ilaa Arbacada Diseembar 6 deeda oo maanta ku beegan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com