Sawirro: Dekadda Muqdisho oo laga soo saaray qalfoofta maraakiib muusay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ka socda dadaalo lagu soo saarayo qalfoof la sheegay inay kasoo hareen Maraakiib dhowr sano ka hor ku dagay meelo aan sidaa uga sii fogeyn Dekadda.

Qalfoof  hordhac ah oo laga soo saaray Dekadda ayaa muujineysa in Dekadda ay u baahan tahay howlgalo muddo qaadaneysa oo lagu soo saarayo biraha kasoo haray Maraakiibta muustay.

Qalfoofta ilaa iyo hadda lasoo saaray ayaa laga helay meelo ku dhow dhow Dekadda waxaana jira qalfoof badan oo qaarkood ka hoos maray carada.

Khubaro ka tirsan Shirkadda Al-Beyrak ee Maamusha Dekedda Muqdisho, ayaa sheegay inaanu dhaweyn howlgalka lagu soo saarayo qalfoofta Maraakiibta muustay.

Khubaradu waxa ay sheegtay inay jiraan qalfoof aad u farabadan oo weli dhex tuban agagaarka Dekadda waxa ayna cadeeyen inay caqabad ku yihiin Maraakiibta kusoo xiraneysa Dekadda.

Sidoo kale, soo saarida qalfoofta ayaa waxaa loo isticmaalaa qalab casri ah oo loogu tala galay nadiifinta dekedda, waxaana ay ku guuleysteen in howsha oo bilow ah ay dibadda usoo saaraan qashin badan oo caqabad ku ahaa habsami u socodka howsha socota iyo soo xirashada maraakiibta kala duwan ee dekedda kusoo xiranaya.