Qarax aad u xoogan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyoiyo sarkaal caan ah oo lala eegtay

Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay Qarax Gaari.

Qaraxa oo xoogiisa inta badan laga wada maqlay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhacay dhabarka dambe ee wadada marta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Sarkaal watay gaariga oo magaciisa lagu sheegay Cali Magafe, oo kamid ahaa Saraakiisha maamulka Puntland.

Cali Magafe, ayaa Qaraxa la kulmay xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqo oo aan ka fogeyn halka uu ku Qarxay gaarigiisa.

Sidoo kale, ciidamo Qaraxa kadib goobta gaaray ayaa dhaawaca Sarkaal Cali Magafe u qaaday Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa waayadan kusii kordhaaya Qaraxyada iyo dilalka loo geysanaayo ciidamada maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com