26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Amarkii R/W Kheyre oo si rasmi ah uga hirgalay wasaaradaha DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Onlin) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan soo saaray wareegto ku saabsan waqtiga shaqo galka ee shaqaalaha hey’adaga dowladda, iyadoo saacado dheeraad ah lagu kordhiyay waqtiga shaqo ee shaqaalaha.

Wareegtadan ayaa lagu faray Wasaaraddaha iyo hey’adaha dowladda inay shaqadooda soo xaadiraan Siddeeda subaxnimo (08:00am), lagana bixi doono afarta iyo barka galabnimo (04:30pm), sida waafaqsan qod. 26aad ee xeerka shaqaalaha Lr.11

Sidoo kale shaqaalaha dowladda ayaa maalinta khamiista shaqada ka bixi doona kowda iyo barka duhurnimo (01:30pm)

Haddaba amarkaas uu Ra’isulwasaaraha soo saaray ayaa si rasmi ah uga hirgalay dhammaan xafiisyada wasaaradaha Dowladda Soomaaliya, waxaana shaqada la galaa waqtiga uu Ra’isulwasaaraha amray iyadoo laga baxo waqtigii uu amray.

Qaar ka tirsan shaqaalaha wasaaradaha Soomaaliya oo u waramay Caasimadda Online ayaa xaqiijiyey inuu amarkaas si rasmi ah u hirgilay, sidoo kalana waxay ka dhawaajiyeen inuu Ra’isulwasaaraha si lama filaan ah usoo booqdo xarumaha wasaaradaha si uu u hubiyo inuu amarkiisa hirgalay.

Inta badan dowladihii hore shaqaalaha dowladda ma shaqeyn jirin waqtiga rasmiga ah ee uu dastuurka qabo, waxaana midaas ka daran in qaar badan oo ka tirsan shaqaalaha aysanba tagi jirin xafiisyada ay u diiwaan gashan yihiin.

Haddaba halkaan hoose waxaad ka arki kartaa waraaqdii uu Ra’isulwasaaraha amarka kusoo saaray taasoo si rasmi ah u hirgashay.

 

- Advertisement -

Read more

Local News