Qorshe IGAD ay Kismaayo ku siineyso hal beel oo ka qeyliyeen BEELO badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Xuseen Xasan Naaleeye oo kasoo jeeda Deegaanada Jubooyinka oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in IGAD ay musiibo u hor seedeyso Dalka Somalia.

Naaleeye waxa uu sheegay in IGAD ay wado qorsho cusub oo ay ku dooneyso in Kismaayo ay ugu dhiibto hal beel.

‘’IGAD waxa ay sii kala fogeyneysaa Beelaha dega Kismaayo, waxa ay wadaa Qorsho ay ku dooneyso in Beesha Axmed Madoobe la siiyo Awooda Koowaad ee Kismaayo, taas waa mid daan-daansi ku ah Beelaha kale ee dega Kismaayo’’

Naaleeye oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri ‘’Beelaha Kismaayo waxa ay ka heshiin la’ yihiin Ambasador Afeey oo wax waliba la jacel Axmed Madoobe, waxaan arkeynaa halka ay la gaarto Siyaasadooda waayo waxaa noo muuqata in Ogaadeniya ay dhac ku hayaan deegaanada aysan degin’’

Suldaan Naaleeye waxa uu ka digay in Dowlada Federaalka Somalia ay ka arrinsato waxa u dan ah Beelaha wada dega Kismaayo, waxa uuna ku hanjabay in haddii ay dhacdo in la soo faragaliyo Deegaanadooda ay ka bixin doonaan Jawaab cad, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in fariimo ay u diri doonaan Beesha Caalamka si looga hortago waxa uu ku sheegay shirqoolo kusoo wajahan Beelaha Dega Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com