WARBIXIN: Wiil uu adeer u ahaa ra’iisul wasaare SAACID Shirdoon oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Dowlada Dalka Canada ayaa waxaa lagu sheegay in Dalka Ciraaq uu ku geeriyooday Jihaadiiste Faarax Maxamed Faarax oo Bishii Jun ka ambabaxay Dalka Canada una safray Dalka Ciraaq si uu halkaasi uga dagaalamo, isagoona ku biiray Kooxda ISIS.

Faarax Maxamed Faarax, ayaa waxaa adeer laxmi u ah Ra’isulwasaarihii hore ee Somalia Cabdi-Faarax Saacid Shirdoon, waxaana la Tilmaamayaa in Dowlada Canada ay Ehelka Jihaadiistaha ku wargalisay in Faarax Maxamed Faarax uu ku geeriyooday duqeymo halkaasi laga fuliyay.

Geerida Faarax Maxamed Faarax, ayaa waxaa sidoo kale, shaaciyay Tv-ga CBC oo soo xiganaaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Canada, inkastoo uusan Wasiirku ka bixin faah-faahino dheerad ah, Balse waxa uu hadalkiisa kusoo kooban in Faarax Maxamed Faarax uu ku geeriyooday Dalka Ciraaq.

Dhanka kale, Faarax Maxamed Faarax ayaa waxa inta uu noolaa ku hanjabay inay weerar Culus ku qaadi doonaan Dalal ay kamid tahay Canada, Mareykanka iyo Dalal kale oo reer galbeedka ah, isagoona sheegay in guushu ay ahaan doonto Ciraaq iyo Shaam.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com