Gudoomiye cusub oo loo magacaabay SH/DHEXE (MAGACIISA iyo BEESHIISA)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo xilka ka qaaday guddoomiyihii hore ee Cabdi Jiinow.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa waxaa loo magacaabay Cali Cabdullaahi Xuseen oo loo yaqaan (Cali Guudlaawe).

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa ku sheegay inay dhamaatay mudadii KMG aheyd ee Gudoomiyenimada Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow, sidaas darteed uu magacaabay guddoomiye cusub.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markuu arkay qodobka 87aad, qodobka 90aad iyo qodobka 99aad ee dastuurka jamhruuiyada federaalka Soomaaliya. Markuu arkay sharciga 116 ee soo baxay 6-Agosto 2013 kuna saabsanaa sharciga maamulada degmooyinka gobolada dalka, markuu ogaaday mudadii Kmg ee Gudoomiyenimada Gobolka Shabeelaha Dhexe uuna gobolka u baahan yahay Gudoomiye cusub, markuu tixgeliyay soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka iyo inay jirto baahi loo qabo dhisida maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka, si ay mustaqbalka u dhismaan dowlad goboleedyo dastuurka waafaqsan, wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyada ka qaada Gudoomiyihii Gobolka Cabdi Jiinow Calasow wuxuuna Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe u magacaabay Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)” ayaa lagu yiri wareegtada madaxweynaha.

Sida ku cad wareegtada, dhammaan xubnaha kale ee maamulka Sh/dhexe, sida ku xigeenada ayaa xilka sidooda u haynaya oo lama baddalin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com