Xog: Khilaafka Xasan & C/Weli oo meel xun maraya iyo is-dacweyn caalami ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay Caasimada Online ka heshay Villa Somalia, ayaa sheegeysa in Khilaaf xoogan uu weli ka dhex taagan yahay Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Khilaafka ayaa la tilmaamayaa inuu salka ku hayo Faragalin dhanka Xafiiska, Qeybinta Safaaradaha iyo mooshin ka dhan ah Cabdi Weli, oo Xasan iyo Faarax ay wadaan.

Ilo wareed ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in faragalin ba’an lagu haayo Xafiiska Ra’isul wasaaraha, waxa uuna Ilo wareedka intaa kusii daray in Cabdi Weli uu dareemayo in Xasan Sheekh uu faraha la galay arrimo u gaar ah ama ah awooda Cabdi Weli.

Waxaa sidoo kale ay xogta sheegeysaa in Cabdi Weli uu warqado ashtako ah u gudbiyay Qaramada Midoobay iyo IGAD, oo saaxiib dhow isaga la ah.

Khilaafka ayaa la tilmaamayaa inuu si horu dhac ah u gaaray taliska sare ee AMISOM, si loo sii kala dhex galo Labadaasi Mas’uul, iyadoona ay arrintooda hoos kasii hurinayaan shaqsiyaad kale sida Faarax C/qaadir.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inuu ka warhayo olole uu wado Faarax C/Qaadir, oo lagu diyaarinayo mooshin ka dhan ah isaga, taasi oo beesha caalamka ay ka digtay toddobaad ka hor.

Madaxweyne Xassan, Faarax C/qaadir ayaa maalmihii dhowaa shirinayey xildhibaanno badan, oo diyaarinaya mooshino qar ka tuur ah oo lagu sameeyo Ra’isul wasaare C/weli, inkastoo Danjiraha Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi iyo Ergo kale oo dalkaasi ka socday ay Faarax ku canaanteen inuu faraha kala baxo Siyaasadaha xad dhaafka ah.

Inkasta oo Cabdi Weli uu dareemayo in awoodiisa lagu fara-geliyey, haddana waxaa la sheegaya in isagana uu awooda madaxweynaha faraha kula jiro sida magacaabista safiirada cusub, oo qeyb ka doonayo, taasi oo ah awooda Xasan Sheekh.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com