Dhageyso baaritaan kusocda madaxda DF (Maxaadan ogeyn oo loo haystaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – BBC-da ayaa wareysatay hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya, mudane Dr. Nuur Faarax, waxaana wax laga weydiiyay arrimo badan oo ay ka mid tahay musuq-maasuqa lagu eedeeyay madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Muxuu qabtaa xaafiikiisa?

Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in xafiiskiisa uu ilaaliyo hantida qaranka gaar ahaan lacagaha soo gala dowladda iyo kuwa deeq-bixiyaasha ay bixiyaan.

Soomaaliya waxaa soo gala hanti waxaana deeq-bixiyaasha ay bixiyaan dhaqaale” “ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Wuxuu sheegay xafiiskiisa in ay ka shaqeeyaan 73-qof, isla markaana ay xarumo ku lee yihiin magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Garoowe oo Puntland wadashaqeyn ayaa naga dhexeeya ayuu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in ay wadaan dabagal iyo baaritaan lagu sameenaayo heshiisyada dowladda ay la gasho shirkadaha caalamiga iyo lacagaha la siiyo dowladda.

Hanti-dhowraha guud ee qaranka ayaa tilmaamay in uu ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha uu hoggaaminaayay ee ka qeybgalay shirkii Afrika iyo Maraykanka ee dhawaan ku soo gabagaboobay magaalada Washington DC.

Maxay qabteyn ilaa hadda?

Wuxuu sheegay tan iyo markii uu xafiiska yimid in ay qabteyn shaqooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay, baaritaan lagu sameeyay xafiisyada wasaaradaha.

Hanti-dhowraha qaranka Somalia ayaa tilmaamay in sannad kasta ay dabagal ku sameeyaan miisaaniyadaha la siiyo wasaaradaha si loo ogaado wax yaabaha lagu bixiyay miisaaniyadaas.

“Dabagal ayaan wadnaa wixii xog ah, waan la wadaagi doonaa shacabka oo heshiis kasta oo aan ka ahayn mid siyaasadeed xafiiskeyga in laga diiwaangaliyo ayaan codsaday, waana la iga yeelay” ayuu yiri hanti-dhowraha guud ee qaranka.

Siddee ayuu u arkaa warbixinta UN Monitoring Group?

Waxaa la weydiiyay warbixin qabyo ay oo ka soo baxday UN Monitoring Group oo ku aadan musuq-maasuq ay rabaan maxda dowladda iyo wada shaqeyn kala dhexeysa iyaga iyo kooxdaas?

Wuxuu sheegay hant-dhowraha guud ee qaranka in warbixintaas loo soo gudbiyay balse ay wadaan baaritaan ay ku hayaan madaxda DF, isagoona sheegay in uu jirro wada-shaqeyn dhinaca warbixinada oo ka dhexeeya iyaga iyo kooxda UN Monitoring Group, balse wuxuu caddeeyay in waxkasta aysan la wadaagi doonin.

“Waxay na weydiiyeen caddeemo ku aadan arrintaas balse wax kasta lama wadaagi karno hey’ad ajnebi ah” ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Ugu dambeyn wuxuu hanti-dhowraha qaranka uu tilmaamay in baaritaano lagu hayo xafiisyadda madaxweynaha, kan ra’iisal wasaaraha iyo xittaa kan guddoomiyaha baarlamaanka si wax kasta ay u noqdaan wax cad oo muujinaya shaqadooda sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale in xafiiskooda uu ka madax-banaan yahay hey’addaha dowladda oo uu la mid yahay hey’adda garsoorka oo ah hey’ad iskeed u madax-bannaan.

“Ummada Soomaaliyueed ha ogaadaan shaqo dastuur ayaan naloo idmay, dabagal ayaan wadnaa wixii xog waan idiin soo gudbinaa ee nagu kalsoonaada” ayuu yiri hanti-dhowraha guud ee qaranka Somalia.

Hadalka hanti-dhowraha guud ee qaranka ayaa ku soo aadaysa iyadoo warbixin qabyo oo ka soo baxday UN Monitoring Group lagu sheegay in madaxweynaha iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ay qaateyn hanti uu lahaa qaranka Soomaaliya, balse labadooda arrintaas waa ay iska fogeeyeen.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com