“Dadka dega MUDUG illaa KISMAAYO ayaa loo wadaa musiibada’’ Waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Muumin Gariig oo ka tirsan nabadoonada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Somalia aysan muteysan in laga dhigo Federaal.

Muumin Gariig, ayaa waxa uu sheegay in Federaalka uu sabab u yahay Dilalka iyo dagaalada hada ka dhaca Dalka, waxa uuna sheegay in Wakiilka QM u qaabilsan Somalia uu yahay ninkii kala jaray Dalka Suudan, sida uu hadalka u dhigay.

Muumin Gariig waxa uu Tilmaamay in Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia uu isaga Ololiyay Dagaaladii u dhexeeyay Waqooyiga iyo Koonfurta Sudan ee hadda kala go’ay, wuxuuna sheegay in Gudiyada Dastuurka qaabilsan ay Dastuurka ka saaran Nidaamka Federaalka ah.

Wuxuu Tilmaamay in Ujeedka Wakiilka QM loogu soo magacaabay Somalia ay tahay inuu kala jar-jaro Dalka Somalia, isagoona sheegay in si gaar ah uu faraha ula gali doono dadka dega Mudug ilaa Kismaayo.

‘’Waa nasiib daro in Ruux sabab u ahaa Dagaalada iyo kala go’a Dalka Suudan amarkiisa lagu dhaqo shacabka Somalia, Wakiilka QM waxa uu wadaa inuu kala jarjaro dalka Somalia gaar ahaan waxa uu kala qeyqeybin doona dadka dega Mudug ilaa Kismaayo’’ ayuu yiri Gariig.

Dhanka kale, Muumin Gariig oo si aad uga careysan Dagaalada iyo dilalka ay Dowlada Federaalka Somalia ku fulineyso dadka Reer Muqdisho, ay Mas’uuliyadeeda qaadi doonto Dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com