Amiir ku xigeenka Daacish oo gacanta lagu dhigay

Baghdad (Caasimada Online) – Booliska Ciraaq ayaa markii u horeysay shaaciyay in ciidamadoodu ay gacanta ku soo dhigeen ku xigeenkii hogaamiyihii la dilay ee ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka, Abuubakar Al-Baqdaadi.

Xubintan muhiimka ah ee ka tirsan ururka Daacish, ayey Ciidamada Booliska Ciraaq sheegen inay gacanta ku soo dhigeen xili uu ku sugnaa magaalada Kirkuk ee waqooyiga Ciraaq.

Sida lagu baahiyay warbaahinta booliska Ciraaq, gaar ahaan bartooda Twitter-ka, Booliska magaalada Kirkuk ayaa ku guuleystay inay qabtaan ku-xigeenkaasi oo lagu magacaabo Abu Khaldun.

Abu Khaldun oo ilma-adeer rumaad la ahaa Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa lahaa aqoonsi been abuur ah oo ugu qornaa magaca ‘Shaclaan Cabiid’, inkastoo oo uu magaciisa saxda ah yahay ‘Xaamid Shaakir Al-badri’, sida laga soo xiganayo qaar kamid ah warbaahinta Ciraaq.

Taliska how-galada ciraaq oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qofka ay gacanta ku soo dhigeen uu magaciisa dhabta ah yahay Xaamid Shaakir Al-badri oo inadeer la ah Abuubakar Al-Baqdaadi.

Taliska ayaa sidoo kale Xaamid ku sheegay xubin muhiim ah oo ka tirsaneyd hogaamiyayaasha ururka Daacish, isla markaana uu ahaa shaqsiga hayey keydka sirdoonka ururkaasi, isagoona xusay inay si weyn ugu raad joogan hogaamiyayaasha kale ee Daacish, kadib markii uu Mareykanku ku guuleystay dilka Al-Baqdaadi.

Xaamid oo magaciisa af-garad uu ahaa ‘Abu Khalduun’ ayaa waxa uu Talisku sheegay in uu ahaa ku xigeenkii Baqdaadi, isagoona markii dambe la wareegay faylasha sirdoonka ee ururkaasi, kana mid ahaa hogaamiyeyaasha ugu muhiimsan ururka Daacish.

Waxa mudooyinkii u dambeeyay sarre u sii kacayey beegsiga lagu hayo hogaamiyayaasha sare ee ururka Daacish ee isku magacaabay khilaafada Islaamka, kadib markii uu Madaxweynaha Mareykanku uu si rasmi ah u shaaciyay dilka hogaamiyahoodii Abuubakar Al-Baqdaadi.