Mursal oo u yeeray Ducaale iyo Oomar kadib warbixintii ay qortay Caasimada Online

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa lagu wadaa in wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay hortagaan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirrada loo yeeray ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Somalia Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar.

Xildhibaanada ayaa wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Somalia Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar wax ka weydiinaya sababaha loo xayiray xildhibaan Daleys Xasan Aadan iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oolaga horistaagay inay ka dhoofaan garoonka Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay kulankii golaha shacabka ee shalay ayaa wasiirrada amniga iyo gaadiidka ka dalbaday in ay yimaadeen kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka maalinta Axadda ah ee soo aaddan.

Caasimada Online ayaa labadii bishan qortay xog ku saabsan in guddoonka baarlamanka ay kala shaqeynayaa dowladda in wasiirada loo yeeray ay ka baxsadaan in su’aalo la weydiiyo.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in warbixintii Caasimada Online ay gillgishay Mursal, kuna qasabtay inuu deg deg ugu yeero wasiirada.