Guddoonka BF oo Villa Somalia ka caawinaya inay baxsadaan wasiiro loo yeeray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku guuleysan la’ inay fuliyaan shaqadooda la xisaabtanka xukuumadda, xilli baarlamanka Soomaaliya uu noqday qeyb si aan toos ahayn uga tirsan hay’adaha fulinta dowladda.

Golaha Shacabka, ayaa tan iyo markii guddoomiye looga dhigay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, looga talinayey Villa Somalia, taasi oo xildhibaanada u diiday xitaa inay helaan fursado ay su’aalo ku weydiiyaan wasiirada.

Inkasta oo ay jiraan wasiiro qaar oo horyimaada Golaha Shacabka, haddana kuwa ugu muhiimsan ee qaladaadka iyo xadgudubyada lagu hayo, ayaa ku si toos ah iyo si dadbanba ugu gacan seeray in lala xisaabtamo.

Ayada oo wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale toddobaadyadii ugu dambeeyey lagu kari la’aa inuu hor-yimaado baarlamanka, ayaa  hadda xildhibaanada ay dhibaato taas la mid ah waxay kala kulmayaan wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Abdullaahi Salaat Oomaar.

Oomaar ayaa waxaa 17-kii November guddoonku u diray warqad loogu yeeray kadib markii ay dalbadeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, si su’aalo looga weydiiyo xadgudubyadii ay sameysay hay’adda duulista oo xildhibaano iyo madaxweynayaal hore ka hor-istaagtay inay ka duulaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Oomaar oo laga rabay inuu xildhibaanada golaha shacabka hortago 1-da bisha December ayaa warqad uu 24-kii November u diray guddoonka ku dalbaday in dib loogu dhigo ilaa 3-da bishan, taasi oo guddoonku ku uu aqbalay warqad uu soo saaray 25-ka November.

Hase yeeshee waxaa yaab leh in 1-dii bishan December uu guddoonka soo saaray go’aan uu ilaa 8-da bisha dib ugu dhigay kulankii su’aalaha lagu weydiin lahaa Oomaar, kuna andacooday in maalinta talaadada aysan ahayn maalin shaqo.

Waxaa is-weydiin mudan, haddii maalinka talaadada aysan ahayn maalin shaqo, muxuu guddoonka warqaddii uu soo saaray 25-kii November ugu aqbalay codsiga wasiir Oomaar ee ahaa in hor-imaatinka dib loogu dhigo 3-da bisha oo ah maalin Talaado. Muxuusan guddoonka ugu sheegin Oomaar in Talaado aysan ahayn maalin shaqo, sidaas darteedna uu qabsado maalin kale? Guddoonka ma wuxuu xusuusan waayey maalmaha golaha shacabka kulmo, mase waxa uu ballamaha qabtaa isaga oo aan eegin jadwalka shaqada?

Xildhibaano ka mid ah kuwa u yeeray Oomaar ayaaa Caasimada Online u sheegay in arrimahan oo dhan aysan ku dhicin si qalad ah, balse ay yihiin wax la isla ogyahay iyo cayaar guddoonka la cayaarayao xildhibaanada.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in hubaan in guddoonka cudur daar kale la iman doonaan, ayada oo qorshuhu yahay in ilaa bisha December la iska daba meeriyo xildhibaanada, si loo gaaro sanadka cusub, markaasi oo xildhibaanada ay fasax geli doonaan kadibna la rabo in la iska wada hilmaamo arrintan.

Qorshahan ayaa ah mid guddoonku kala shaqeynayo Villa Somalia iyo xukuumadda.

Guddoomiyaha baarlmanaka, iyo labadiisa ku xigeen ayaa ku kala xiran madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Mursal waxa uu ku xiran yahay Villa Somalia iyo ra’iisul wasaaraha. Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad Cabdiraxiim Muudey, wuxuu ku xiran yahay ra’iisul wasaare Kheyre, halka guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cawad uu ku xiran yahay Villa Somalia.

Wasiir Oomaar ayaa la sheegay inuu aad ugu dhow yahay madaxweyne Farmaajo, taasi oo ka saacideysa in guddoonka uusan ogolaan in lala xisaabtamo. Guddoonku wuxuu sidoo kale ka caawinaya wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo isna loo yeeray inuusan hor-iman golaha.

Arrintan ma ahan mid cusub, Guddoonka wuxuu horey isku hortaagay isku dayo badan oo xukuumadda lagula xisaabtami lahaa iyo mooshinno laga keenay, waxaana muuqata in sanadka u horsan golaha shacabka uu ku dhameysan doono isaga oo hoos taga Villa Somalia.

Caasimada Online ayaa heshay dhammaan warqadihii ay is-weydaarsadeen xildhibaanada u yeeray Oomaar, tii guddoonka, oo uu ka saxiixan yahay xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, iyo middii Wasiir Oomaar.

Hoos ka wada arag, innaga oo usoo kala hormarinay sida ay u kala horeeyeen.