Puntland oo fasiraad yaab leh ka bixisay ciidamadii ‘u goystay’ dhanka Somaliland

Garoowe (Caasimadda Online) – Puntland ayaa maanta ka hadashay Ciidamo ka soo goostay Maamulkeeda oo ku biirey Somaliland, kuwaasi oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyay degaanka Taleex..

Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay ciidamadaasi ay soo bandhigeen Somaliland, iyadoona si adag u beenisay in ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa Taleex ay ku biireen Somaliland.

Cali Axmed Sabarey, Wasiirka warfaafinta Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Garoowe ayaa sheegay in ciidamadaasi ay Somaliland soo bandhigeen ay ahaayeen maleeshiyaad beeleed.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ahaayeen maleeshiyaad loo galiyay direyska ciidanka, isla markaana laga dhigay ciidamo ka soo goostay maamulkooda, balse aysan waxba ka jirin.

Maamulka Somaliland ayuu ku sheegay inuu yahay maamul aan waqtigaan la joogo awood u laheyn inuu ciidamo kala wareego Puntland maadaama uu tilmaamay inay hadda wajaheyso culeysyo siyaasadeed.

Ciidamadaasi oo ay shalay soo dhaweysay Somaliland ayaa tiradoodu waxay dhameyd ku dhawaad 150-askari oo ku gaashamnaa gawaadhi iyo agab kale oo dagaal, iyagoona sheegay inay si rasmiya ugu soo biiray Somaliland.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa ciidamadaasi si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Taleex, kuwaasi oo uu hogaaminayay Gaashaanle sarre oo lagu magacaabo Cali Diiriye Baale.

Taleex ayaa kamid ah deegaanada ay ku muransan yihiin maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaana hadda deegaanadaas kormeel ahaan u joogo wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Somaliland, waxayna arrintaan qeyb ka tahay loolanka u dhaxeeyo Somaliland iyo Puntland oo ku saabsan cidda maamuleyso gobolada Sool iyo Sanaag.