Taliska BOOLISKA oo soo saaray digniin ku socota shacabka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota dadka ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Taliska Booliska ayaa sheegay in la filayo wixii Maanta ka bilowda inay da’aan roobab mahiigaan ah, sidaas darteedna dadka Muqdisho looga baahan yahay inay muujiyaan dadaal iyo feejignaan ku aadan sidii mar kale uusan roobka u geysan musiibooyin.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Sakiya Xuseen ayaa qoraal ay baraha Bulshada soo dhigtay ku sheegtay in Ciidamada Booliska ay u diyaar garoobeen sidii looga hortagi lahaa musiibo ka dhalato roobabka la filayo inay da’aan.

” Waxaa diyaarinay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska” ayey tiri Taliye Zakiya.

Taliyaha ayaa dadka Muqdisho ugu baaqday inay lasoo xiriiraan hey’adaha ay khuseyso arrintaan haddii ay dhacdo inuu dhibaato geysto roobka.

Todobaadkii hore roobab ka da’ay Magaalada Muqdisho ayaa keenay dhimashada laba qof oo dad waaweyn ah.

Goobjoogeyaal ayaa laga soo xigtay in laba ruux ay geeriyoodeen ka gedaal markii ay qaadeen daad ka dhashay roobka oo aad u weynaa.

Sidoo kale waxaa roobabkii Muqdisho ka da’ay asbuucii hore ka dhashay burbur soo gaarey waddooyinka iyo hoy ay deganaayeen dad shacab ah.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Taliyaha oo dhameystiran

Wargelin

Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska.

Hadaba muwaadinkii u baahda gurmad dag dag ha la xiriiro heyadaha amniga iyo gurmadka dag dag iyagoo wacaaya number 991.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu dhaliilayaa in uusan jirin qorshe cad oo uga degan dib u dayactirka waddooyinka burburay.