Safiirka Mareykanka oo la kulmay musharraxiinta ugu cad cad GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay laba ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad doorashada madaxweynaha Galmudug, oo kala ah Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale.

Qoraal ay safaaradda Mareykanka soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in danjire Yamamoto iyo xubnaha safaaradda ay Odawaa iyo Kamaal kala hadlaeen baahida loo qabo hanaan doorasho oo cad, loona dhan yahay oo ka dhaca Galmudug.

Qoraalka safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri “Hay’ado dowladeed oo xooggan waxay ka dhigan yihiin awood loola tacaali karo xasaradaha bani’aadannimo, ka guuleysashada argagixisada iyo abuurista Soomaaliya xasilooni, nabad ah, oo baraare leh.”

Kamaal Guutaale ayaa qoraal uu soo dhigay facebook isna ku yiri “ Waxaan maanta kulan is xog wareysi ah la qaatay Safiirka Mareykanka Danjire. Donald Yamamoto, waxaan ka wada hadalnay xaaladda siyaasadeed, midda amni iyo midda bani aadanimo ee ka jirta deegaanka Galmudug.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan si gooni ah oga hadalnay in deegaanka Galmudug ee ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, ahlusunna wal jamaaca si mug leh looga qeyb galiyo siyaasadda, liisaska saxiixyasha ay noqdaan kuwii hore wax u soo xuli jiray iyo ciidamada ammaanka ineysan fargelin siyaasadda shaqadoodana ku ekaato sugidda ammaanka!!”

Safiirka Mareykanka ayaa sidoo kale shalay la kulmay xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Safiirka Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inuu siyaasad ahaan taageersan yahay madaxweyne Farmaajo, taasi oo sahashay in inta badan beesha caalamka ay ka aamusto xadgudubyada joogtada ah ee dowladda Farmaajo ku hayso shacabka iyo maamul goboleedyada dalka.