Oromada oo ka hor-timid qorshihii Abiy Ahmed ee xisbiga cusub iyo Itoobiya oo gashay xaalad cakiran

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya, oo xulufo dhow la ahaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa ka hor-yimid qorshaha isbahaysiga haya talada dalka loogu beddalayo hal xisbi.

Lemma Megersa ayaa cambaareeyey qorshahan mideynaya xisbiyada qowmiyadaha kala duwan ee dalka.

“Bilowgii wada-hadallada aniga waxaan qabay aragti ka duwan in isbahaysiga EPRDF laga dhigo hal xisbi. Xitaa haddii ay tahay in laga dhigayo ma ahan in lagu deg dego.” Ayuu yiri Lemma oo la hadlay laanta afka Oromada ee VOA.

Qorshaha Abiy Ahmed ee isbahaysiga EPRDF looga dhigay hal xisbi ayaa waxaa horey u diiday jabhadda TPLF ee Tigrayga, oo mar ahayd tan ugu awodda badan isbahaysiga, xilligii Meles Zenawi.

Xisbiga cusub ee Abiy Ahmed dhisayo ee Prosperity Part (PP) ayaa waxaa toddobaadkii tagay ku biiray saddex xisbi, oo uu ka mid yahay kan Soomaalida.

Wasiirka gaashnaadhigga Lemma Megersa, oo horey u ahaa madaxweynaha gobolka Is-maamulka Oromia, iminka waa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Oromada ee ODP.

Taxliiliyayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in khilaafka labada nine ee ugu awoodda badan Oromada ee Abiy Ahmed iyo Lemma Megersa uu sare usii qaadayo hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka, ka hor doorashada dhaceysa bisha May ee 2020, islamarkaana wiiqayo qorshaha is-beddelada ee uu wado Abiy.

Dhinaca kale, Rashid Abdi oo fallanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray in Abiy uu ku sugan yahay “dhibaato qoto dheer” kadib markii uu iska tuuray “tiirka ugu muhiimsan taageerada Oromada.”

Abiy ayaa waxaa sidoo kale horey uga soo horjeestay Jawaar Mohammed, oo isna ka mid ah ragga ugu saameynta badan qowmiyadda Oromada ee ugu tirada badan Itoobiya.

Haddii Abiy aanu ku guuleysan taageerada buuxda ee Oromada ka hor doorashada May, xilli markii hore ay diideen Tigrayga, waxaa suurta-gal ah in doorashada looga adkaado.