Gudoomiye Cumar Filish oo gudoomiyeyaal degmo oo cusub magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)  ayaa guddoomiye u magacaabay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa xilkaasi loogu magacaabay, Aweys Camuudi sida ay ogaatay shabakadda Caasimada Online.

Camuudi ayaa bedalaya, Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Shangaani, marxuumad Sahra Markeyzi oo ka mid aheyd mas’uuliyiintii ku dhintay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir 24-kii July ee 2019-ka.

Cabdicasiis Cismaan Jaamac ayaa sidoo kale loo magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi, waxaana uu beddelayaa guddoomiyihii hore ee degmadaas Allaha u naxariistee Mahad Cilmi oo ku geeriyooday isla qaraxii 24-kii July ee 2019.

Arrintan ayaa qeyb ka ah mid uu Duqa Muqdisho ku dar dar gelinayo howlaha shaqo ee uu wado maamulka gobolka Banaadir.

Dhowaan guddoomiyaha gobolka, Cumar Filish ayaa shaaciyey inuu xilka ka qaadi doono guddoomiyihii wax ka qaban waayo amniga degmadiisa, uuna u magacaabi doono sarkaal ciidan oo Milatari ah, kaas oo wata gaari Cabdi Bile, sida uu hadalka u dhigay.