Shariif oo la kulmay safiirka Mareykanka iyo Madasha oo gudbisay mowqifkeeda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hoggamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Madasha, ayaa  maanta kulan la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiyo Soomaaliya Donald Yamamoto.

Sida lagu sheegay qoraal ay twitter soo dhigtay safaaradda Mareykanka, Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana ay isku raaceen in Dowladda Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo mucaaradka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan wanaagga Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay inay dhiiragelineyso sii wadida wada shaqeynta iyo Iskaashiga u dhaxeeyo dhammaan qeybaha kala duwan oo ay khuseyso siyaasadda Soomaaliya si loo abuuro jawi dagan oo suura gelin kara qabashada doorasho xor ah, xalaal ah kuna dhacdo waqtigeeda.

Dhinaca kale Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan xarunta safaaradda Maraykanka ee Muqdisho kula kulannay Danjire Donald Yamamoto oo aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka iyo aragtida madasha xisbiyada qaran ee geediga 2020/2021.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan uga mahad celinnay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda”

Sheekh Shariif ayaa dhinaca kale safiirka u gudbiyey mowqifka Madasha Xisbiyada Qaran ee ku aadan doorashada Soomaaliya ee 2021.

“Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado.” ayuu Shariika ku yiri qoraalkiisa.

Safiirka Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inuu siyaasad ahaan taageersan yahay madaxweyne Farmaajo, taasi oo sahashay in inta badan beesha caalamka ay ka aamusto xadgudubyada joogtada ah ee dowladda Farmaajo ku hayso shacabka iyo maamul goboleedyada dalka.