Usman Khan – Maxaad ka taqaanaa ninkii qaaday weerarka London Bridge?

London (Caasimadda Online) – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Usman Khan, oo ahaa shakhsigii weeraray Buundada London, horay xukun xabsi ah garka loo galiyay kadib markii lagu helay dambi ah inuu ka qeyb ahaa qorshe walxaha qarxa lagu geyn lahaa Suuqa Saamiyada ee magaalada London.

Booliis hubeysan ayaa toogasho ku dilay Mr. Khan oo da’diisa lagu sheegay 28-jir, sidoo kalana xabsigii uu ku jiray fasax uga soo baxay. Xogaha la helay waxey xaqiijiyeen inuu laba qof middi ku dilay, sidoo kalana uu dhaawac u geystay saddex kale intii uu ku jiray weerarkii ka dhacay Buundada.

Sideed sano xabsi ah oo aan wakhti go’an laheyn ayaa lagu xukumay sanadkii 2012, waxaana kaliya la doonayay in halistiisa laga badbaadiyo bulshada, waxaa la fahamsan yahay in xukunada nuucaas ah ay qaadato muddo sideed sano ah, balse xukunka wuxuu booliiska u ogolaanayay iney xabsiga kusii heyn karaan muddo intaas ka badan.

Mr. Khan waxaa la sheegay inuu ku dhashay kuna barbaaray Stoke-on-Trent. Sanadkii 2013 maxkamadda racfaanka ayaa meesha ka saartay xukunkii lagu xukumay, waxeyna ku riday 16-sano xarig ah taasoo qasab ka dhigeysay inuu ugu yaraan laba meelood meel qaato.

Warbixino la helay waxey sheegayaan in koox ka kooban 9 qof oo uu ku jiro Khan loo xilsaaray iney fuliyaan qorsheyaal uu ka mid ahaa weerar la fashiliyay oo lagu qaadi lahaa suuqa Saamiyada London, waxaana la sheegay in ragaan ku fikirka ah ururka Al-Qaacida ay xaaladooda la socdeen MI5 oo ah sirdoonka gudaha ee Britain.

Sidoo kale xogaha la helay waxey sheegeen in kooxdaan ay qorsheynayeen iney goobaha ugu mashquulka badan magaalada ay ku dhasheen badankood ee Stoke ku xiraan waxyaabaha qarxa sida Musqulaha iyo meelo u dhaw goobaha lagu caweeyo.

Sidoo kale waxaa qorsheysnaa in Khan uu aadi lahaa madarasooyin dibadda laga dhisayo oo oo lagu tababaro dadka kooxdooda taageersan, wuxuuna u aruuriyey dhaqaale.

“Waxyaabo kala duwan ayey ka fakareen kooxda, Pakistan ayeyna ka fureen madaraso ciidan, waxeyna doonayeen iney kusoo tababartaan, sidoo kalana ay dad kale ku tababari lahaayeen, sidoo kale iney weeraraan xaafadaha shacabka, warqado bam ku saabsanna ay ku diraan boostada, sidoo kalana ay adeegsadaan kooxda cunsuriga ee UK, weerar u qaab ahaa midkii Mumbai iyo xarumo can ah oo ay weeraraan” ayaa lagu yiri Xukunkii maxkamadda racfaanka

Sidoo kale Maxkamadda waxey sheegtay iney kooxdaan sameysteen qorshe dheer oo ku saabsan inuu Khan khibrad kasoo helo tababar uu lasoo sameeyo kooxaha argagixisada, sidoo kalana ay kusoo noqdaan UK.

Waxaa jiray Mohibur Rahman oo lala xiray Mr. Khan, waxaana lagu helay qorsheynta qarax kadib markii xabsiga laga sii daayay, iyadoo la sheegay in dib laga soo xiray hadana.

Ugu dambeyntii waxaa la ogaaday iney abaabuleen oo ay dhiirigaliyeen kooxo kale oo si dhaw u qorsheynayay weeraro laga geysan lahaa UK, kuwaas oo isku arkayay jihaad doonayaal.