Somaliland oo war cusub ka soo saartay heshiiskii 3 geesoodka ee ITOOBIYA, Eritrea iyo SOOMAALIYA

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta markale ka hadashay xidhiidhkeeda kala dhaxeeya Itoobiya iyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Eratariya, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Somaliland ayaa markale ku celisay in xidhiidhka Itoobiya uusan waxba iska badalin, iyadoona ka dhawaajisay in wax muhiim ah oo sameyn ku yeelan kara xidhiidhkooda aysan ilaa hadda u muuqan.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ‘Faratoon’, Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland oo la hadlayey wargeyska The Reporter oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoona meesha ka saaray walaac ay hore u muujiyen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkoodu.

Yaasiin Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay ku soo wargelisay in dhaqso u soo magacaabi doonto qunsulkii Itoobiya ee Hargeysa, kaasi oo jagadiisu ay banaantahay muddo dhowr bilood ah.

“Waxaanu wadaagnaa xuduud, laakiin weli ma aragno wax sidaa muhiim u ah oo saamaynaya xidhiidhkayaga qotada dheer. Somaliland ma aaminsana in Itoobiya dhinac martay” ayuu yirI Wasiir Yaasiin Faratoon.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxba kama qabno heshiiska saddex geesoodka ah ee Itoobiya ay la saxeexatay Soomaaliya iyo Eratariya, umana yeedhinayno in Itoobiya ay Soomaaliya la yeelato Xidhiidh wanaagsan ama in aanay la yeelan. Waxaanu xidhiidh wanaagsan oo dhinac walba ah la leenahay Itoobiya, kamana cabanayno heshiiska saddex geesoodka ah”.

“Warbaahintu waxay bidhaaminaysaa in banaanshiyaha Jagada Qunsulka guud ee Itoobiya u fadhiyey Somaliland ay sababtiisu arrintaa la xidhiidho, waxaan doonayaa inaan hoosta ka xariiqo in xidhiidhkayaga diblumaasiyadeed mid adag, waxaana la noo sheegay in diblumaasigan dhaqso loo soo magacaabi doono, arrintan waxaanu kaga wada xidhiidhnay diblumaasi ahaan iyo dariiqyo kale”.