Xog: Kheyre iyo Mursal oo diiday qorshaha Farmaajo ee doorashada 2021-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Saqda dhexe ee habeenkii Arbacada ee todobaadkii hore waxaa kulan xasaasi ah Villa Somalia ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulankaan oo ahaa kii ugu adkaa ee dhaca waayihii dambe islamarkaana dhaxmara hogaamiyaashaan ayaa salka ku haayay doorashada Soomaaliya ee dabayaaqada sanadka 2020-ka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u yeeray labadaan mas’uul, waxa uuna guddoomiye Mursal ku wargeliyay in aysan Villa Somalia aqbali karin sharciga doorashooyinka oo ay diyaariyeen guddiga golaha Shacabka ee sharciga doorashooyinka.

Farmaajo ayaa ka soo horjeestay in madaxweynaha ay doortaan labada ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida ku cad qodobka 89-aad ee dastuurka, balse waxa uu sheegay in doorashada soo socoto madaxweynaha ku imaan doono doorasho dadweyne.

Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Farmaajo in uusan sidaas qabin dastuurka islamarkaana talooyinkii ay soo aruuriyeen ee mucaaradka iyo maamul gobaleedyada ay diideen in lagu jebiyo dastuurka suurta galna aheyn in doorasho qof iyo cod ah la qabto.

Sidoo kale Kheyre ayaa taageeray guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo madaxweynaha u sheegay in aduunyada iyo Soomaalida intuba ka aqbali karin doorasho qof iyo cod ah markii loo eego xaaladda Soomaaliya, sidaasna uusan dastuurka dhigeyn.

Dhinacyada ayaa la sheegay in ay isku fahmi waayeen kulankii ka dhacay Villa Somalia ka hor inta uusan Madaxweynaha u bixin Itoobiya. Lama oga sida ay ku dambeen doonto xaaladda siyaasadeed ee dhinacyadaan ka dhax bilaawday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inaysan xildhibaano dooran madaxweynaha xiga, isaga oo rumeysan in haddii sidaas ay dhacdo aan la dooran doonin, maadaama beesha caalamku goobjoog ka noqoneyso, oo uusan wax ku shubasho ah sameyn karin.

Doorasho qof iyo cod ah, kama dhici karto Soomaaliya xaaladda jirta, hase yeeshee madaxweynaha ayaa doonaya in shacab dhowr kun ah meel la isgu keeno, oo ay matalaan Soomaalida oo dhan, sidaasna lagu doorto madaxweynaha.

Wuxuu rumeysan yahay in haddi ay sidaas dhacdo uu awoodi karo in taageerayaashiisa un uu soo ururiyo oo ay ayaga codeeyaan.