Xilliga la qabanayo ciyaarta final-ka degmooyinka G/Banaadir oo la shaaciyey kadib heshiiskii Khadiija iyo Filish

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeetti ayaa sheegtay in dhawaan la qabanayo kulan ciyaareedkii kama dambeysta ahaa ee degmooyinka Waaberri iyo Dharkiinleey ee gobolka Benaadir.

Kulankaan oo ahaa Finalka tartankii degmooyinka gobolka Banaadir ayaa horay ugu baaqday kadib markii wasiirka cayaaraha Khadiija Maxamed Diiriye ay korontada ka dansatay garoonka xilli ay ku sugnaayeen kumanaan qof.

Gudoomiye Basma ayaa hadda sheegtay in cayaarta ay dhaceyso 5-ta bishan December oo ah maalinta khamiista, waxayna ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka in ay ka soo qeyb galaan si loo muujiyo horumarka caasimadda.

Caasimada Online ayaa ogaatay in khilaaf u dhaxeeya maamulka gobalka Banaadir iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya ay sabab u aheyd in Khadiija ay korantada ka damiso garoonka habeenkii cayaarta ee 24-kii October.

Khadiija iyo Cumar Filish ayaa isku qabtay cayaaraha gobolka Banaadir oo wasaaradda ay dooneyso inay kaalin ku yeelato, halka Filish uu ku dooday in wixii heer gobol ah aysan wasaaradda shaqo ku lahayn.

Si kastaba Khadiija ayaa rumeysan in haddii banaanka laga dhigo cayaaraha gobolka ay taas macnaheedu tahay inaysan jiri doonin wax ay qabato wasaaradda, maadaama Muqdisho ay tahay magaalada kaliya ee ay ka howl-gasho. Waa taas sababta keenta inay korontada ka dansato garoonka Injineer Yariisow, xilli ay dhici rabtay cayaarta finalka degmooyinka gobolka Banaadir.

Khadiija ayaa la sheegay inay ka xun tahay in wasaaradda aan kaalin laga siin qabashada tartankan. Guddoomiyeyaashii ka horeeyey Filish ayaa wasaaradda kaalin ka siin jiray cayaarahan, hase yeeshee Filish ayaa taas meesha ka saaray, taasi oo ka carreysiisay Khadiija.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa xaqiijinaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ugu dambeyn xaliyey khilaafkii Khadiija iyo Cumar Filish.