Maamulka Somaliland oo soo dhaweeyey ciidan ka soo goostay Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shalay deegaanka Taleex ee gobolka Sool ku soo dhaweysay ciidamo badan oo ka soo goostay Puntland, kuna soo biiray Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi.

Ciidamadan ay soo dhaweysay Somaliland ayaa tiradoodu waxay dhameyd ku dhawaad 150-askari oo ku gaashamnaa gawaadhi iyo agab kale oo dagaal, iyagoona shalay si rasmiya ugu soo biiray Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ciidamadaasi si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Taleex, kuwaasi oo uu hogaaminayay Gaashaanle sarre Cali Diiriye Baale.

Wasiirka oo la hadlayey ciidamadan ku soo biirey Somaliland, ayaa ugu horeyntii uga mahad-celiyay sida ay u doorteen inay u soo garab istaagaan Somaliland, isla markaana ay arkeen in uu dhacay gabalkii Puntland.

Koore ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadan ay ahaayeen kuwii ugu adkaa ee ay muddo dhowr iyo toban sanno ah isku hayeen deeganadaasi, kuwaasi oo goor dambe garwaaqsaday in waxba kama jiraan tahay sheegashada Puntland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Somaliland iyo Puntland ayaa iyagu inta badan waxay soo bandhigaan ciidamo kala taabacsan oo ka soo kala goosta labada dhinac, xili ay weli taagan-tahay xiisada dagaal ee labada dhinac ee deegaanada gobolka Sool.