Puntland oo markale xabsi dhigtay siyaasi dhaliilay

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in markale la xiray siyaasiga Muuse Cali Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ciidanka amniga ayaa saacadihii la soo dhaafay xabsiga dhigay siyaasiga oo ku sugnaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Xariga Muuse Cali Jaamac ayaa waxa uu ka mid yahay tiro siyaasiyiin iyo odayaal habeenadii la soo dhaafay lagu xiray magaaladaasi.

Xubnahan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay ka soo horjeedaan maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo heshiiskii Puntland ay la gashay shirkadda DP World ee hadda maamusha dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Sidoo kale xariga waxgaradkaan ayaa daba socda, kadib markii shirar ka dhan ah Puntland ay ku qabteen Boosaaso, kuwaas oo lagu dhaliilayey hoggaanka maamulkaasi.

Muuse Cali Jaamac oo si weyn mucaarad ugu ah xukuumadda Deni ayaa ah markii labaad ee la xiro, iyadoo dhawaan xabsiga laga sii daayey,markii lagu waayey dambi.

Arrintan ayaa waxa ay uga sii dareysaa xiisada ka taagan maamulka Puntland, gaar ahaan gudaha magaalada Boosaaso, taas oo ka sii dareysa marba marka ka dambeysa.