Wasaarada waxbarashada oo arday badan u sheegtay in aysan shahaado u hayn

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan ka qalin jebiyay dugsiyada sare ee dalka ayaa lagu wargeliyay in aysan heli karin Shahaadadii ay xaqa u lahaayeen sida ay noo sheegeen tobaneeyo kamid ah ardaydaasi.

Ardaydaan oo laga soo saaray Jaamacadihii ay dhiganayeen ayaa iyagoo cabasho ah u tagay wasaaradda waxaana lagu wargeliyay in shirkadii daabacadda ay xageeda cilad ay ka jirto sidaas darteedna ay dib u dhacday ilaa dhowr bilna ay qaadan karto.

“waxaa noola sheegay in aan hadda iyo waqti dhow aan heli karin shahaadada sababtana ma ogin” ayuu yiri arday ka tirsan koox dhalinyaro ah oo shalay wasaaradda u doontay shahaado.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto arintaan islamarkaana ay dib uga dhacday in badan oo kamid ah ardayda Soomaaliyeed balse ay xalin  doonaan sida ugu dhaqsiyada badan.