C/rashiid Xidig oo ka hadlay heshiis la sheegay inay la gaareen Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo golaha isbedel-doonka Jubbaland ayaa Maanta sheegay in aysan jirin wax iska bedelay mowqifkooda  ku aadanin Jubbaland aysan ka dhicin wax doorasho ah, isla markaana ay doonayaan in la qabto doorasho xalaal ah.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayaan in Xubnaha isbedel-doonka Jubbaland ay heshiis la galeen Axmed Madoobe, kadib markii Cabdinaasir seer oo kamid ah xubnahaas uu gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu ula kulmo Axmed Madoobe oo halkaasi ku sugan.

Xildhibaan Xidig waxaa uu sheegay in marnaba aysan wax wada-hadal ah kala galeyn in dadka reer Jubbaland iyaga ay doortaan ciddii ay doonaan taas mowqifkoodana uu yahay mid acad.

“isbedel-doon ma ahan madax doon,  cid kastana waxaa laga rabaa inay micnaha ogaadaan,waxaana rabaa in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah,waxaana iga go’an in dadka Reer Jubbaland ay doortaan qofkii ay rabaan” ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Xidig iyo Seeraar ayaa la aaminsan yahay inay wadto dowladda Soomaaliya oo xoogeeda isugu geysay sidii Axmed Madoobe meesha looga saari lahaa.

Axmed Madoobe ayaa kulamo xal loogu raadinayo Khilaafka Jubbaland ka wado Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, wuxuuna halkaas kula kulmay xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo kuwa kale oo Soomaali ah.