Xasan Sheekh iyo Swan oo Muqdisho ku kulmay iyo qodobo la isku raacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada muqdisho kula kulmay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Qoraal laga soo saarey xafiiska Swan ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen doorashada qof iyo cod ah oo la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ka wada hadleen muhiimada ay leedahay siyaasad loo wada dhan yahay iyo in laga wada shaqeeyo oo hoggaamiyeyaasha siyaasadda ay isla wada gorfeeyaan.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.

“Guddoomiyaha xisbiga UPD mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilka QM ayaa waxay ra’yi is weydaarsi ka yeesheen arrimaha doorashooyinka 2020, nidaamka federaalka, ilaalinta dastuurka iyo amniga guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana la isla meel dhigay dhamaan qodobadii ay labada mas’uul kawada hadleen, ayadoona guul uu kusoo dhamaaday kulanka.” Ayaa lagu yiri qoraalka UPD.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa saamileyda siyaasada Soomaaliya waxa ay kulamo la xiriira doorashada Soomaaliya ay la qaadanayeen wakiilada beesha caalamka u jooga magalada Muqdisho, si loo xaqiijiyo in doorashada xigta ee dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu talo galay.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo aad looga cabsi qabo in madaxweyne Farmaajo uu ku howlahan yahay isku day uu waqtiga ku kororsanayo.